Xiriirka Qoyska iyo Saamayntiisa ku aaddan Nolosha Bulshada
Qoyska waa saldhiga ugu muhiimsan ee bulshada. Waa halka uu qofku ka helo jacayl, daryeel, iyo hanuun. Xiriirka wanaagsan ee qoyska dhexdiisa jira wuxuu leeyahay saameyn togan oo si weyn u taabanaysa nolosha bulshada. Marka qoysasku yeeshaan xiriir is-faham, kalsooni iyo wadajir ku dhisan, bulshada inteeda kalena waxay ka faa’idaysataa xadaaradaas, horumar kaas, iyo wada noolaanshaha wanaagsan, maadama bulshadu tahay qoysas midoobay, qoysas caafimaad qabaana waa bulsho caafimaad qabta.
Muhiimada Xiriirka Qoyska ee Nolosha Bulshada
Xiriirka qoyska waa tiirka ugu weyn ee dhismaha bulshada. Carruurta ku barbaarta guri leh kalgacal iyo is-ixtiraam waxay noqonayaan bulsho u nugul wada shaqeyn iyo wanaag. Waalidiinta xiriirkoodu wanaagsan yahay waxay carruurtooda baraan sida loo dhiso xiriir bulsho oo caafimaad qaba. Tani waxay horseedaa in bulshadu yeelato dad akhlaaq leh, masuul ah, isla markaana u taagan wanaajinta deegaanka ay ku nool yihiin, iyo danta guud ee umada.
Saamaynta Xiriir Daran oo Qoyska ku Yeesho Bulshada
Marka xiriirka qoyska uu daciifo, waxaa kor u kaca dhibaatooyin bulsho sida khilaafaad, kala fogaansho iyo dhibaatooyin nafsi ah. Caruurta ku korta guri aan deganayn waxay la kulmaan niyad-jab, taas oo saameyn ku yeelata dabeecadooda bulshada dhexdeeda. Sidaas darteed, xiriir ka adag oo qoyska dhexdiisa ah wuxuu ka hortagaa burburka qiyamka bulshada.
Gunaanad
Xiriirka qoyska waa laf-dhabarta nolosha bulshada. Qoys adag oo midaysan wuxuu dhisaa bulsho xasiloon, halka qoys kala fog dabeecad ahaan uu sababo kala qaybsanaan. Sidaa darteed, waa muhiim in la ilaaliyo is-fahamka, ixtiraamka, iyo kalsoonida qoyska si loo dhiso bulsho caafimaad qabta oo isku duuban, oo tartan la gali karta bulshooyinka caalamka.
#XiriirkaQoyska #NoloshaBulshada #Isfaham #Wanaag #QoyskaIyoBulshada

0 Comments