Saamaynta Saaxiibada iyo Deegaanku ku yeeshaan Tarbiyada Caruurta
Tarbiyada carruurta waa hawl culus oo u baahan in laga eego dhinacyo kala duwan. Mid ka mid ah dhinacyada ugu saameynta badan waa saaxiibada iyo deegaanka uu ilmuhu ku koro. Haddii ilmuhu yeesho saaxiibo wanaagsan iyo deegaan ku dhisan qiyam, wuxuu u badan yahay inuu yeesho akhlaaq wanaagsan iyo dabeecado la aqbali karo. Laakiin haddii ay saaxiibadiisu xun yihiin ama deegaanka uu ku koro uu yahay mid dhib badan, saameyntaasi waxay noqon kartaa mid taban.
Saaxiibada iyo Doorkooda Tarbiyada
Saaxiibadu waa dadka ugu dhow ilmaha marka uu ka baxo guriga. Waxay saameyn weyn ku yeeshaan hadalka, dhaqanka iyo fikirka uu ilmuhu qaato. Saaxiibo wanaagsan waxay dhiirigeliyaan waxbarasho, edeb iyo akhlaaq wanaagsan. Halka saaxiibada xun ay sababi karaan inay carruurtu u jeestaan dhaqamo qaldan sida xanaaq, caajisnimo ama xitaa falal dambiyeed. Sidaas darteed, waalidku waa inay la socdaan cidda ay carruurtu ay saaxiib la yihiin.
Saameynta Deegaanka
Deegaanku wuxuu kaalin muhiim ah ku leeyahay kobcinta shakhsiyadda ilmaha. Haddii deegaanka lagu koro uu yahay mid nabad iyo qiyam wanaagsan leh, carruurtu waxay bartaan wada noolaansho iyo ixtiraamka. Hase yeeshee, deegaanka buuqa badan, colaado iyo dhaqan xumo leh wuxuu dhaawacayaa hab-dhaqanka ilmaha. Taasi waa sababta ay muhiim u tahay in caruurta la dajiyo deegaan nadiif ah oo taageera kobaca wanaagsan ee caruurta xaga maskaxda iyo maankaba.
Gunaanad
Saaxiibada iyo deegaanka ayaa ah laba arrimood oo si weyn u qaabeeya tarbiyada ilmaha. Waalidka, macallimiinta iyo bulshada guud ahaan waa inay iska kaashadaan ilaalinta carruurta si loo hubiyo in saameynta ay qaataan ay noqoto mid togan, taas oo horseedaysa mustaqbal ifaya.
#TarbiyadaCaruurta #Saaxiibada #Deegaanka #AkhlaaqdaCaruurta #BulshoWanaagsan #WaajibkaWaalidka


0 Comments