Ticker

6/recent/ticker-posts

XAGEE LAGA HELAA BARAKADA WAQTIG IYO CUMRIGA

                                                          


Barakada Waqtiga iyo cumriga

Barakadu waa wax alle subxaanah uu ku daro waxyaabada uu bixiyo oo adoomadiisa uu siiyo, waxay u siyaadinaysaa waxaas ay ku lamaanayd siyaado iyo koritaan iyo baaqi ahaansho, meeshii barako gasho waa laga dareemaa, meeshii barako la'aan ah na baaba, kolayl iyo koritaan la'aan ayaa lagu arkaa.

Barakada waxay ku jirtaa dhowr meelood:

1. Waqtiga hore ee subaxdii, waqtigaas waa waqti qofkii laasima inuu wax barto ama shaqaysto ama     dikriyo oo joogteeya uu ka hormaro dadka kale ee aan samayn.

2. Waxaa kale oo laga helaa kitaabka rabi oo barako badan baa alle dhigay dhexdiisa, qofkii aqriskiisa, barashadiisa, iyo ku camal falkiisa laasima wuu barakoobaa aduun iyo aakhiraba.

3. Waxaa kale oo ay ku jirtaa barakadu in macaasida lays ka ilaaliyo. waayo ruuxii dul fariista          macaasida iyo waxa alle ka caraysiiya noloshiisu nuqsaan kama dhamaato.

4. Waxay ku jirtaa sidoo kale barakadu in aan ku shukrino nimcooyin tirada badan oo alle swt nagu manaystay, hadii aan sidaas samaynana waa naloo siyaadinayaa wixii aan haynay.

5. Waxaa kale oo muhiim ah si aan u barakowno inaan la saaxibno oo soo dhawaysano dadka himada  leh oo doonaya inay wax hor mariyaan dhanka aduun iyo aakhiraba.

 Talooyinkaas hadaan samayno nolosheenu waa barakoobay saa dhankasta inshaa allah.

Post a Comment

0 Comments