Ticker

6/recent/ticker-posts

CASHAR KA QAADASHADA KHALADAADKA

                                                      


Goormuu Khaladku Cashar Noqdaa

Khaladaadku waa qayb dabiici ah oo ka mid ah nolosha iyo waxyaalaha aad baranayso. Markaan qalad samayno, waxaan helaysaa fursad aan ku arkayso meelaha aad horumar ka samayn karto. 

Tusaale ahaan, qof bilaabaya ganacsi cusub ayaa laga yaabaa inuu si degdeg ah u khasaaro lacag fara badana lumiyo, sababtoo ah qorshe cad la’aantiis, iyo aqoon tiisa ganacsiga oo yarayd.

 Halkii uu ka niyad jabilahaa, wuxuu dib u eegi karaa khaladaadka, sida inuu qiimeyn sax ah sameeyo ama suuq-geyn  ku filan sameeyo,  kadibna wuxuu qaadan karaa tillaabooyin hagaajin ah.

Marka aan khaladaadkeenna wax ka baranno, waxaan dhisnaa xirfado, faham, iyo adkaysi. Qof walba wuu qaldamaa, laakiin waxa naga sooca waa sida aan uga falcelinno qaladkaas.

Gabagabo: Khaladku ma aha dhamaadka safarka, ee waa albaab cusub oo furan oo naga caawinaya inaan ka xoog badnaano oo ka aqoon badano sidii hore . Barashada khaladaadku waa furaha horumarka iyo guusha.

Post a Comment

0 Comments