Saboolnimada Bulshadeena Haysta iyo Sida Looga Takhaluso

Saboolnimo waa xaalad ay dadka qaar ka maqan yihiin baahiyaha aasaasiga ah sida cunto, hoy, waxbarasho, iyo daryeel caafimaad. Bulshadeena dhexdeeda, sabboolnimu waxay saameyn weyn ku leedahay nolosha dadka, gaar ahaan carruurta iyo dhallinyarada.

Saboolnimada maxaa keena

     Saboolnimada waxaa keena dhowr arrimood oo is biirsaday:

     Shaqo la’aan iyo fursadaha dhaqaale oo xaddidan.

     Waxbarasho la’aan iyo xirfado liita.

     Maamul xumo iyo musuqmaasuq.

     Hami iyo hiigsi fog oo aan bulshadu lahayn loona diyaarin.


Sida looga takhaluso sabboolnimada

Waxbarasho:  Carruurta iyo dhalinyarada in la siiyo fursado waxbarasho oo tayo leh.
Shaqo abuur:  Horumarinta ganacsiyada yaryar iyo in la sameeyo shaqo abuur.
Iskaashi bulsho:  Dadka inay is caawiyaan iyo  in la helo samafal bulsho.
Horumar maamul:  La dagaalanka musuqmaasuqa iyo in la helo isticmaal wanaagsan ee kheyraadka.

Gabagabo

Saboolnimadu ma aha xaalad joogto ah. Haddii bulshadeenu is garab istaagto, waxbarasho tayo leh la helo, shaqo abuur la sameeyo, iyo maamul wanaagsan in la helo, waa suurtagal in la ga takhaluso. Mustaqbal ifaya ayaa bulshadeena sugaya haddii tallaabooyinkan la qaado. Ay nu kawada qayb qaadano howlahaas wixii nooga soo aada.