Khatarta iyo Halista Ka Dhalan Karta Caajiska

Fahamka Caajiska iyo Saameyntiisa

Caajisku waa xaalad qofka ka dhigta inuusan wax dadaal ah samayn, taasoo ka dhalan karta hoos u dhac noloshiisa shaqo, waxbarasho, iyo horumarka guud. Caajisku ma aha oo kaliya dareen fudud, oo qofku si sahlan ku qaato, balse waa halis weyn oo saameyn karta mustaqbalka qofka. Dadka caajiska ah waxay mararka qaar lumiyaan fursado muhiim ah, taasoo keenta in horumarkiisu  uu dib u dhaco.

Tusaale Nolosha Dhabta Ah

Tusaale ahaan, Xasan oo ahaa arday firfircoon ayaa go’aansaday inuu muddo ka nasto waxbarashadiisa, maadaama ay dhib badnayd, kalahaad, aqris badan, aaditaan joogto ah, iyo diyaarin badan iwm.

 Bilahaas  uu caajiska galay ayaa sababtay inuu imtixaankiisii ugu dambeeyey ku dhaco, taasoo keentay in uu dib u dhaco sanadkiisa waxbarasho. Kani waa caddeyn muujinaysa sida caajisku u saameeyo fursadaha iyo horumarka qofka.

Sida Loo Yareeyo Khatarta Caajiska

Si looga hortago halista caajiska, waxaa muhiim ah in la sameeyo jadwal shaqo iyo waxbarasho, in la dejiyo yoolal cad, lana dhiirrigeliyo maskaxda si joogto ah. Dadaal yar oo joogto ah ayaa ka hortagaya in caajisku noqdo caado saameyn taban leh.

Gunaanad

Caajisku waa khatar dhab ah oo nolosha dib u dhac wayn ku keeni karta haddii aan laga taxadarin. Haddii qofku qorsheeyo waqtigiisa, dadaal joogto ah sameeyo, oo uu yoolal cad cad yeesho, wuxuu ka badbaadi karaa halista caajiska, horumarna wuxuu gaari karaa noloshiisa shaqsi iyo mida bulsho.