Ticker

6/recent/ticker-posts

QISADA NOLOSHAADA WALI WAXAY LEEDAHAY BOGOG AAN LA QORIN

                                                       


 Qisada Noloshaada Weli Waxay Leedahay Bogag Aan La Qorin

Nolosha waa buug aan la dhammayn karin oo bog kasta uu ka kooban yahay dhacdooyin, guulo, iyo caqabado. Maanta waxa aad joogto ma ahan dhammaadka sheekadaada, ee waa qayb yar oo ka mid ah safarkaaga. Bogag cusub ayaa weli kuu bannaan, kuwaas oo adiga kaliya aad qori karto.

 Waxaa laga yaabaa inaad wajahday guuldarro ama waqti adag, balse taas macnaheedu ma ahan in sheekadaadu dhammaatay.

Tusaale ahaan, qof shaqadiisa laga cayriyay ayaa laga yaabaa inuu u arko dhammaad, balse haddii uu dhiiranaado oo xirfado cusub barto, wuxuu qori karaa bogag cusub oo guul iyo barwaaqo ah. Sidaas oo kale, adiga ayaa gacanta ku haya qalinka mustaqbalkaaga.

Ha u oggolaan hal bog oo mugdi ah inuu go’aamiyo dhammaan bogaga noloshaada.

 Maalin kasta waa fursad cusub oo aad ku qori karto cutubyo ka wanaagsan kuwii hore. Bogga xiga ee noloshaada wuxuu noqon karaa mid riyooyinkaaga dhabeeya, oo farxad, horumar iyo rayn rayn ku ah.

 Marka cid kale waxay qabsatay ha eegin ee kaasho awooda, caqliga, kartida,maskaxda,iyo ilbaxnimada alle ku siiyay oo dadaal gali, kadibna si dhib yar baad u dhaafi doontaa cid kasta inshaa allah.

Post a Comment

0 Comments