Ticker

6/recent/ticker-posts

DHIBAATADA AAD KA BAXDAY WAA ASTAAN MUUJINAYSA ADKAYSI IYO GUUL

                                                


Nabaradu waa markhaati muujinaya adkaysi iyo samir

Noloshu mar walba sahal ma aha. Qof kasta wuxuu la kulmaa dhibaatooyin, dhaawacyo iyo caqabado adag. Mararka qaarkood jidhkeena ama qalbigeenu ayaa xambaara xusuuso aan si fudud u tirmayn. Laakiin waa in aan fahamnaa in nabaradu aysan ahayn ceeb, balse ay yihiin markhaati muujinaya geesinimo, adkaysi iyo samir, astaan muujinaysa inaan ka gudubnay dhibaato una talaabsanay horumar, yididiilo, iyo barisamaad.

Nabar kastaa wuxuu leeyahay sheeko. Qof dhaawac culus uga soo kabtay wuxuu leeyahay nabaro ka hadlaya dagaalkii uu ku jiray, balse caddeynaya inuu ka adkaaday.

 Tusaale ahaan, qof la kulmay dhaawac ka soo gaaray dagaal uu u galay si uu u badbaadiyo naftiisa, diintiisa iyo dalkiisa, nabarada jidhkiisa ka muuqda waxay xasuusinayaan in uu ka guulaystay caqabado adag oo xitaa naftiisii saamayn ku yeelatay haddana uu guuleystay.

Sidoo kale nabarada qalbiga, sida murugada ama niyad-jabka, waa markhaati muujinaya dulqaad. Waxay muujinayaan in qofku uusan ka harin riyooyinkiisa inkastoo uu wajahay niyad jab.

Marka la eego dhinaca wanaagsan, nabaradu waa astaanta xoog iyo badbaado. Waa xusuusin in dhibka maanta uu noqon karo guusha berrito.


Post a Comment

0 Comments