Awoodda Waxbarashada Joogtada ah ku leedahay Kobaca Horumarka iyo Dhaqaalaha
Dunida casriga ah, aqoontu waa hantida ugu qaalisan ee qof iyo qaranba ay lahaan karaan. Waxbarashada joogtada ah micnaheedu waa in qofku uusan xaddidin barashadiisa heer jaamacadeed kaliya, balse uu si joogto ah u kobciyo xirfadaha iyo fahamkiisa.
Saameynta Waxbarashada Joogtada ah
Marka shaqsi uu aqoon cusub kasbado, wuxuu awood u yeeshaa inuu la qabsado isbedelka tiknoolajiyada, suuqa shaqada, iyo baahida bulshada.Si kale hadii loo dhigo dhaqaale-yahan aqoontiisu ku ekaato buugaag 20 sano ka hor la qoray, ama qofkii isku haleeya aqoon mar hore uu galin jabiyay laakin aan wax update ah aan samayn waxa uu ka hoos mari doonaa qof si joogto ah ula socday cilmi-baarisyada iyo xogaha cusub ee soo kordhaya maalin kasta.
Tusaale Cajiib ah
Dalalka sida Japan iyo Singapore waxay ku dhiseen dhaqaalahooda xoogan, iyagoo dhiirrigeliyay waxbarashada nolosha oo dhan. Shaqaalahaas oo had iyo jeer wax baranaya, waxay keeneen hal-abuurnimo, wax-soo-saar sare, iyo horumar dhaqaale oo muuqda.
Gunaanad
Waa inaan ogaano in waxbarashada joogtada ahi aysan ahayn ikhtiyaar, balse ay tahay tiirka kobaca horumarka iyo dhaqaalaha. Haddii aan rabno mustaqbal ifaya, waa inaan noqono dad barashada joogtada ah ku xoojiya noloshooda iyo xirfadohooda.Waxbarashada waxaa ugu qaalisan aqoonta samada ka timid ee suubanaha SCW lagu soo dajiyay, taas waa inuu qof kasta ka dhargo, kadib na aqoon ta maadigaa waa inuu sidoo kale ka haqab beelo, waa qofkaas kan hormaray dhankastaba.
0 Comments