Adeegsiga Sawir-Maskaxeed si loo Gaarto Yoolalka
Waa Maxay Visualization?
Visualization waa farsamo maskaxeed qofku ku sawirto natiijada uu doonayo ka hor inta aanay dhicin. Marka aad si joogto ah u qiyaasto guushaada, maskaxdu waxay tababar u qaadataa sidii ay dhab u noqon lahayd.
Sida Looga Faa’iideysto Visualization
Dooro yool cad oo aad rabto inaad gaadhto waqtiga dhow, yoolkaasu waa mid muhiim kuu ah.
Indhahaaga xiro oo sawir naftaada oo guuleysanaysa, adigoo gaadhay yoolkii oo kale.
Ku celceli maalin kasta si maskaxdu u qabsato.
Tusaale Dhab Ah
Ciyaaryahan kubbadda cagta ah ayaa mar walba ku sawiran jiray isaga oo gool dhaliyay. Tababarkaas maskaxeed wuxuu ka caawiyay in kulamada dhabta ah uu si fudud u dhaliyo goolal badan.
Gunaanad
Visualization waa aalad awood badan oo qof walba u adeegsankaro nolosha. Haddii aad rabto inaad ku guuleysato waxbarasho, ganacsi ama xirfad, sawir-maskaxeed joogto ah wuxuu kugu hagayaa tallaabooyin wax ku ool ah. Guushaada ku bilaab maskaxdaada, kadibna ku dhaqaaq ficil-keeda, iyo taabo-galinteeda.
0 Comments