Sida Diiradda Loogu Sii Joogo Adduunka Mashquulka ah
Adduunkeenna maanta waa mid ay ka buuxaan mashquul, qaylo, iyo farriimo joogto ah oo maskaxda kala jeedinaya. Waxa aan wajahaynaa qalab digital ah, warbaahin bulsho, iyo hawlo badan oo hal mar la la doonayo in la qabsado tension keena. Haddaba, sidee bay suurtogal ku noqon kartaa in qofku si joogto ah diiradda u saaro noloshiisa iyo shaqadiisa?
Halkan hoose waxaan ku xusan siyaabo wax
ku ool ah oo kaa caawin kara inaad diiradda sii ilaaliso:
1. Dejiso Ujeeddo Cad
Markasta oo aad leedahay ujeeddo cad ama yool, waxay kuu
sahleysaa inaad iska ilaaliso wax kasta oo kaa leexinaya dariiqaaga. Qor
yoolalkaaga maalinlaha ah si aad u ogaato waxaad u baahan tahay inaad qabato.
Geli taleefankaaga "silent mode", dami
ogeysiisyada (notifications), oo samee meel gaar ah oo aamusnaan ah oo kuu gaar ah si aad uga
shaqeyso arrimaha muhiimka kuu ah.
Habkan waa inaad shaqeyso 25 daqiiqo si buuxda , kadibna
nasato 5 daqiiqo. Waa hab wax ku ool ah oo maskaxda ku dhiirogelinaya inuu
diiradda haysato xaga horumarkaada iyo shaqada.
Hurdo fiican, cunto nafaqo leh, iyo jimicsi joogto ah waxay
kor u qaadaan awoodda diiradda. Maskax caafimaad qaba ayaa ah furaha guusha.
Dadka qaar waxay noqonayaan sababta ugu weyn ee
mashquulkaaga. Baro inaad diido waxyaabaha aan mudnaanta lahayn si aad uga
fogaato xad-dhaafka nolosha iyo macno darada.
Markaad subaxdii hore dejiso waxyaabaha aad rabto inaad
qabato, waxaad yareyneysaa fursaddaha mashquul ee aan qorsheysneyn inuu kaa hor
yimaado ama kaa leexiyo qorshahaaga.
Dunida maanta waa meel mashquul ah, diiradda ayaa noqotay hanti qaali ah. Qofka guuleysta waa kan fahma sida uu maskaxdiisa u xakameyn karo, una horumarin karo kartidiisa diiradana u saaro wixii dantiisa ah
Xasuusnow: Ma aha inaad wax walba
qabato, balse waa inaad wixii kuu muhiim ah qabato si wanaagsan oo hufan .
Erey dhiirigelin ah:
"Adiga ayaa mas'uul ka ah maskaxdaada — u hoggaami sida aad doonto
inaad u noolaato.
0 Comments