Ticker

6/recent/ticker-posts

AAGA RAAXADA ILAA AAGA KOBOCA

Ka Dhex Bax Aagga Raaxada oo  u jihayso Aagga Koboca

Nolosha bani’aadamku waxay inta badan ku wareegtaa laba meelood: aagga raaxada iyo aagga koboca. Aagga raaxadu waa meesha aynu dareemeyno badbaado, caadiyan aynu nafteena ku nasino, shaqooyinka aynu naqaanno iyo meelaha aynu naqaano inta badan waa meelo aynu aamino oo aynaan wax khatar ah isku gelin oo aynaan ka shakiyin meelahaas waa meelo lagu nasto balse maahan meelo  lagu horumaro.

Laakiin kobac dhab ah ma yimaado ilaa aynu ka dhex baxno aaggaas raaxada. Horumarka dhabta ah wuxuu bilaabmaa marka qofku bilaabo inuu sameeyo waxyaabo cusub, uu la kulmo cabsi cusub, islamarkaana uu ka adkaado caqabadaha.

 Tusaale ahaan, qof ka kabaqa hadalka dadweynaha hortiisa markuu hortaagan yahay isku dayo badan kadin iyo  marar badan oo uu sameeyo, ugu dambeyn wuu baran karaa, wuxuuna geli karaa aagga koboca waana inu noqdo codkar isku kalsoon

Kobaca wuxuu u baahan yahay geesinimo, dulqaad, iyo kalsooni nafeed. Qofka go’aansada inuu ka gudbo xadka raaxadiisa wuxuu marayaa dariiq adag, balse abaalmarintiisu waa horumar weyn oo noloshiisa beddeli kara.

 hadii aad doonayso inaad noloshaada sare u qaaddo, baro inaad ka tagto waxa aad taqaan oo aad u dhaqaaqdo meel aadan aqoon iyo dad aadan aqoon balse nuxur ka danbeeya yahay mid kobac iyo horumar kuu horseedaya.

Marka, haddii aadan dolaha fogfog aanad weli gaarin. Halkaas ayaa kobaca dhabta ahi ku jiraa.

Post a Comment

0 Comments