Caqabadaha Keena Luminta Waqtiga iyo Sida Loola Dagaalamo
Luminta waqtiga waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee hortaagan horumarka shaqsiga iyo bulshada. Dad badan ayay ku dhacdaa in ay waqti badan ku lumiyaan howl aan faa’iido lahayn, taasoo ka hor istaagta in ay gaaraan yoolalkooda. Sababaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah qorshe la’aanta, isticmaalka xad-dhaafka ah ee baraha bulshada, iyo dib u dhigista shaqooyinka muhiimka ah. Marka qofku uusan haysan jadwal cad, waqtigiisu wuxuu ku baaba’aa hawlo aan muhiim ahayn, taasoo keenta niyad-jab iyo in noloshu horumar la’aan tahay.
Dhibaatada Qorshe La’aanta iyo Dib-u-Dhigista
Qorshe la’aantu waa cadowga koowaad ee waqtiga. Qof aan qorsheyn hawshiisa ma oga meel uu ka bilaabo iyo halka uu ku wajahayo qorshihiisa. Taas waxay dhalisaa jahwareer iyo waqti lumis joogto ah. Sidoo kale, dib-u-dhigista shaqooyinka (procrastination) waa dabeecad aad u khatar badan oo keenta in hawlo fudud ay isu bedelaan culays weyn. Tusaale ahaan, qof dib u dhiga shaqadiisa maanta wuxuu heli karaa shaqo badan berrito oo keenta wal-bahaar iyo cadaadis, iyo culays xaga shaqada ah..Saamaynta Baraha Bulshada iyo Mashquulka Maskaxda
Baraha bulshada ayaa noqday mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee waqtiga lagu lumiyo. Saacado badan ayaa lagu bixiyaa daawashada muuqaalada ama akhrinta fariimaha aan nolosha wax qiimo ah ku kordhin. Tani waxay yaraysaa awoodda diirad saarida, waxayna carqaladeysaa waxqabadka maalinlaha ah. Intaas waxaa sii dheer, qalalaasaha maskaxda sida fikir badan, walaac, iyo mashquul maskaxeed ayaa sidoo kale door weyn ku leh khasaaraha waqtiga.Tallaabooyin Lagu Xakameeyo Luminta Waqtiga
Si loola dagaalamo luminta waqtiga, waa in la qaadaa tallaabooyin cad cad oo wax ku ool ah. Marka hore, samee jadwal maalinle ah oo qeexaya waxa aad qabanayso iyo goorta aad qabanayso. Marka labaad, ka fogow waxyaabaha kaa mashquulin kara sida isticmaalka badan ee telefoonka. Marka saddexaad, mudnaanta sii hawlaha muhiimka ah oo ha u ogolaan in arrimo yaryar oo muhiim ahayn ay kaa mashquuliyaan kuwa laf dhabarta ah. Intaa waxaa dheer, ku tababaro in aad diiradda saarto hal hawl markiiba, oo howlo badan ha isku furin markaliyo, sababtoo ah hawlo badan isku mar waxay keenaan waqti lumis iyo tayada shaqo oo hoos u dhacda.Gunaanad
Luminta waqtigu waa cadowga ugu weyn ee horumarka. Si loo gaaro guul, waa in la barto maamulka waqtiga iyo ka hortagga waxyaabaha aan faa’iidada lahayn, oo waqtiga dila. Qofka maareeya waqtigiisa si xikmad leh wuxuu heli karaa fursado badan oo uu noloshiisa ku horumarin karo. Waqtigu waa hanti qaali ah oo aan dib loo heli karin marka uu lumo, sidaas darteed waa in si taxadar leh loo ilaaliyo.
#TimeManagement #Productivity #SelfDiscipline #Success #Focus #PersonalGrowth

0 Comments