Ticker

6/recent/ticker-posts

SIDEE LOOGA TAKHALUSAA CABSIDA

                                                                         


                                                                       

Fahamka Cabsida

Cabsidu waa dareen dabiici ah oo qof kasta uu la kulmo marar badan. Waxay ka dhalataa xaalado cusub, guuldarooyin hore, ama fikiro xunxun. Fahamka sababta cabsidu u jirto waa talaabada ugu horreysa ee lagu xallin karo, waayo hadii aan cabsi jirin, xalba lama garteen

Tallaabooyinka Lagu Xakameeyo Cabsida

Aqoonsi iyo Aqbalid – Ogaanshaha waxa aad ka cabsanayso iyo aqbalida dareenkaaga waa muhiim. Tusaale ahaan, qofka ka cabsanaya hadalka dadweynaha waa inuu aqoonsadaa in cabsidu ay tahay wax laga takhalusi karo, kadibna u diyaargaroobo si tartiib tartiib ah, siduu u wajihi lahaa


Fikir Positive ah – Bedel fikirka xun ee ku saabsan xaaladda aad ka cabsanayso. Ku celceli erayo dhiirigelin ah sida, "Waxaan ahay diyaar, waan awoodaa, waan guulaysanayaa"


Tallaabo-tallaabo – La qabsashada cabsida waxay u baahan tahay ficilo yar-yar oo dhanka wanaaga loo qaado. Haddii aad ka baqayso in aad wax barato, ama naftaada inaad hormariso, bilow adigoo si tarbiib tarbiib ah u bilaabaya horumar yar yar, course-yooyin yar yar,ficilo yar yar oo is xigxiga kadibna waxaa soo laabanaya kalsoonida-daadii, waxaad na ku dhiiran doontaa inaad horumar wayn aad samayso mustaqbal ka dhow.

Gunaanad

Ka takhalusidda cabsida waa geedi socod u baahan dulqaad iyo samir. Marka aad aqoonsato cabsidaada, bedesho fikirkaaga, oo tallaabo-tallaabo u dhaqaaqdo, waxaad gaari kartaa kalsooni buuxda. Cabsidu ma aha caqabad joogto ah, balse waa fursad lagu kobcin karo naftaada.


Post a Comment

0 Comments