Mustaqbalka Wuxuu ku Tiirsan Yahay Dhallinyarada
Dhallinyaradu waa laf-dhabarta bulshada iyo tiirka horumarka mustaqbalka. Ereyga “Mustaqbalka wuxuu ku tiirsan yahay dhallinyarada” wuxuu xambaarsan yahay micne qoto dheer, maadaama jiilkan cusub uu yahay kan maamuli doona adduunka mustaqbalka.
Haddii la taageero, la baro aqoonta saxda ah, laguna hago waddada wanaagsan, bulshadu waxay heli doontaa mustaqbal ifaya, oo la isku halayn karo.
Doorka Dhalin-yarada ee Horumarka
Dhallinyaradu waxay awood gaar ah u leeyihiin hal-abuurnimada, kartida, iyo dhiirranaanta. Waxay ku fiican yihiin la qabsiga tiknoolajiyada casriga ah iyo xalinta dhibaatooyinka cusub. Tusaale ahaan, dalal badan oo dunida horumaray ayaa xooga saara barbaarinta dhallinyarada, sida in la siiyo waxbarasho tayo leh iyo fursado shaqo. Taas ayaa horseeday horumar dhaqaale iyo bulsho.
Tusaale
Waxaa tusaale fiican u ah dalka Singapore, oo dhallinyarada ku dhiirrigeliyey waxbarasho iyo hal-abuur. Natiijadii waxay noqotay dal yar oo aan haysan kheyraad badan balse maanta ka mid ah kuwa ugu awoodda badan Asia, sida dhanka dhaqaalaha iyo horumarka dhan kastaba.
Gunaanad
Mustaqbalka dhabta ahi wuxuu gacanta ugu jiraa dhallinyarada maanta. Haddii la siiyo kalsooni, taageero iyo wacyigelin, waxay noqon karaan hogaamiyeyaasha beddela nolosha bulshada. Haddaba, qof kasta waa inuu kaalin ku yeeshaa kobcinta jiilka cusub, si loo hubiyo mustaqbal ifaya oo waara.

0 Comments