Isbeddelka Cimilada iyo Waxa Aad Samayn Karto
Waa Maxay Isbeddelka Cimilada?
Isbeddelka cimilada waa koror ama hoos u dhac joogto ah oo ku yimaada heerkulka, roobabka, iyo xaaladaha kale ee cimilada adduunka. Waxay inta badan ka dhalataa falalka aadanaha sida gubista shidaalka fosil-ka, warshadaha, iyo jarista dhirta.
Saameyntiisu ama waxa ka yimaada waa mid baahsan sida kororka biyo-baxa ama uumi biyowga, duufaanno xoog leh oo dhaca, iyo dhibaatooyin caafimaad oo yimaada.
Sida Qofku Gacan Ugu Geysan Karo
Inkasta oo isbeddelka cimiladu yahay caqabad weyn, qof kasta waxa uu qaadi karaa talaabooyin fudud oo wax ku ool ah:
Kaydinta Tamarta: Iftiinka iyo qalabka korontada oo aad demiso marka aan la isticmaalayn.
Dib-u-warshadaynta iyo Yarayn qashinka: Kala saar qashinka oo dib u isticmaal waxyaabaha suurtagal ka ah.
Gaadiidka Dadweynaha: Ka faa’iidaysiga basaska, tareenada, ama socodka lugtaa halkii aad gaari gaar ah isticmaali lahayd si gubista shidaalku u yaraatol
Beerta iyo Dhirta: Geedaha ku beer gurigaaga ama bulshada ku wacyi gali; waayo waxay nadiifiyaan hawada oo yareeyaan qiiqa CO₂.
Tusaale
Qoys Soomaaliyeed oo ku nool magaalo ayaa bilaabay inay isticmaalaan tamarta cadceedda, dib u warshadeeyaan qashinka, isla markaana raacaan gaadiidka dadweynaha. Muddo sanado ah, waxay yareeyeen qiiqa CO₂, amaan iyo karti badana waa ku mutaysteen. Tani waxay muujineysaa in tallaabooyin yaryar ay saameyn weyn ku yeelan karaan cimilada.
0 Comments