Faqriga waa xaalad qofka ku riixi karta niyad-jab iyo rajo-beel, laakiin waa suurtagal in laga baxo haddii dadaal iyo qorshe la isku daro.
Talaabada koowaad waa in la barto xirfado faa’iido leh oo suuqa looga baahan yahay, sida ganacsi, farsamo ama tiknoolajiyad.
Tan kale hadii qofka wax soo galaan oo uu shaqeeyo waa inuu kayd sadaa qayb kamid ah waxa soo gala haba yaraadeene , arintaasu waxay dhisaysaa saldhig dhaqaale oo adag.
Tusaale ahaan, nin yar oo ka shaqeyn jiray suuq yar ayaa go’aansaday in uu barto xirfado ganacsiga la xiriira, kadibna wuxuu bilaabay iibinta alaabta. Muddo ka dib, wuxuu yeeshay macaamiil badan oo joogto ah, ka dibna wuxuu ka baxay faqrigii.
Gabagabadii, ka bixitaanka faqriga wuxuu u baahan yahay maskax furan, qorshe cad, iyo adkeysi.
Qof kasta oo diyaar u ah inuu wax barto oo uu ka shaqeeyo yoolkiisa, wuxuu heli karaa nolol dhaqaale oo wanaagsan
Hadii aad tahay qof shaqeeya, wax ka kaydso waxaa ku soo gala, kadibna maalgasho markay yara kordhaan.
Hadii aadan shaqayna wax baro oo xirfado baro oo dadaal, kadibna alle sw kaalmayso oo ducada iyo astaqfaarta badi, waxaa hubaal ah inaad ka baxayso hadii aad arimahaas samayso.

0 Comments