Isbedelo Yar Yar oo Saameyn Weyn Leh
Dadka si weyn u dhiirran waxay fahmeen in guushu ka timaado caadooyin yary ar oo joogto ah. Maalintooda waxay ku bilaabaan qorshe cad iyo niyad wanaagsan. Waxay waqti siiyaan caafimaadka jirka, sida jimicsiga subaxdii, taas oo kordhisa tamarta iyo maskaxda.
Waxay sidoo kale qabtaan hawlaha ugu muhiimsan marka maskaxdu tahay mid firfircoon, waxayna ka fogaadaan dib-u-dhigida.
Tusaale ahaan, qof doonaya inuu barto xirfad cusub wuxuu go’aansadaa inuu maalin kasta 20 daqiiqo u huro barashadaas, taas oo muddo gaaban ka dib natiijo weyn dhalisa.
Caadooyinkaas yar yar, sida akhrinta buugaag horumarineed, xirfad yar oo aad barato, qorista yoolalka, caawinta qoyska iyo bulshada aan la noolnahay 10 daqiiqaba ha noqotee iyo mahad naqida alle iyo umadiisaba waxay dhisaan maskax xooggan oo kuu riixda guul iyo horumar waara.
Gunaanad: Isbeddel weyn looma baahna hal mar. Haddii aad bilowdo caadooyin yaryar oo wanaagsan maalin kasta, waxaad dhisi kartaa nolol dhiirran oo guul badan leh.
0 Comments