Ticker

6/recent/ticker-posts

GUUL-DARADU WAA MACALINKA UGU WANAAGSAN

                                                             


Guul-darradu Waa Macallinka Ugu Wanaagsan 

Guul-darradu waa qayb lama huraan u ah nolosha iyo ganacsiga. In kasta oo ay xanuun badan tahay, guul-darradu waa macallin aan la beddeli karin, oo sidiisa u taagan. Marka aad ku fashilanto hawl ama qorshe, waxaad baranaysaa casharro qiimo leh oo aan laga heli karin meel kale.

 Tusaale ahaan, qof ganacsi bilaabay oo fashilmay wuxuu ogaadaa khaladaadkiisa sida qorshe la’aan, suuqa oo uu san fahmin, ama maareyn xumo, taasoo ka caawisa inuu markale isku dayo si ka xeel dheer oo guul leh.

Guul-darradu sidoo kale waxay korisaa adkaysiga, dulqaadka, iyo fahamka in guushu aysan ahayn hal mar oo keliya, iyo hal meel oo kaliya.

 Qofkii ka faa’iiday guul-darrada wuxuu noqdaa mid xirfad iyo maskax furan leh, isla markaana diyaar u ah inuu ka guuleysto caqabadaha mustaqbalka.

Gunaanad: Guul-darradu ma aha fashil; waa bilow ga nolol cusub. Qaladka aad sameyso maanta wuxuu noqon karaa furaha guusha berito. Marka xigta ee aad guul-darro la kulanto, xasuus-taada ayaa shaqaynaysa – waayo waxaad heshay macallinkii ugu fiicnaa noloshaada, oo waayaha nolosha wax kaa baray.


Post a Comment

0 Comments