Isticmaal Mugdiga Si aad Iftiin ka u Gaarto
Nolosha qof walba waxay leedahay waqtiyo adag oo mugdi ah—waqtiyo aad dareento cabsi, kelinimo, niyad-jab, iyo jahawareer. Laakiin xaqiiqdu waxay tahay: mugdigu ma ahan dhammaad, balse waa fursad qarsoon oo lagu heli karo iftiinkaaga dhabta ah. Mararka qaar waxaad u baahan tahay inaad dhex marto xanuun ka iyo xaaladaha adag, si aad u barato cidda aad dhab ahaan tahay iyo waxa aad u taagan tahay.
Qof ayaa laga yaabaa inuu shaqo waayo, oo uu waayo qof uu jeclaa, ama la kulmo dhibaato caafimaad. Waxa uu dareemayaa in noloshu gabi ahaanba jabisay. Laakiin haddii uu qofkaasi si niyadsami leh u wajaho xilligaas, uu naftiisa dhageysto oo uu barto casharro muhiim ah, waxaa suuragal ah in dhibkaasi uu noqdo mid u horseeda guul iyo isbeddel dhab ah. Sida geedka ka baxa dhagaxa hoose—wuxuu u baahan yahay ciriiri si uu xoog u yeesho.
Tusaale ahaan, hooyo in mudo ah ahayd mid shaqo la’aan ah, muddo sannad ah waxay waqtigaas ku bilowday inay wax ku barato online. Mugdigaas murugada lahaa waxay ka heshay fikir cusub—way qalin jebisay, waxayna furtay ganacsi yar. Maanta waa hormuud dumarka deegaankeeda.
Ugu dambayn, mugdigu waa meesha aad naftaada ku ogaan karto. Ha ka cararin, la kulan, oo ka dhex raadso iftiinkaaga. Waayo mararka qaar, iftiinku wuxuu ka bilaabmaa gudahaaga.

0 Comments