Ticker

6/recent/ticker-posts

NAFTAADA HORUMARINTEEDU WAA FURAHA ISBADALKA

Naftaada Horumarinteedu Waa Furaha Isbedelka

Isbedel kasta oo nolosha ah wuxuu ka bilaabmaa qofka naftiisa. Haddii aad doonayso in aad aragto horumar, wanaag, ama is beddel ku yimaada bulshadaada, qoyskaaga, ama shaqadaada – waa inaad marka hore is eegtaa adiga. Wax kasta oo cusub oo wanaagsan ma yimaadaan si toos ah, waxay u baahan yihiin dadaal, go'aan, iyo isbeddel ka yimaada gudahaaga.

Markaad doorato inaad beddesho hab-dhaqankaaga, fikirkaaga, ama habka aad ula macaamilayso dadka kale, waxaad saameyn xoog leh ku yeelan kartaa dunida kugu xeeran. Tusaale ahaan, haddii aad rabto bulsho nadiif ah, adiga ka bilow inaad qashinka si sax ah u dhigto. Haddii aad rabto nabad iyo xasillooni, adiga ka bilow inaad dadka si nabadgalyo leh ula dhaqanto.

Isbedelka ma ahan wax dhib yar oo hal mar la gaaro, waa ficilo iyo fikir wanaagsan iyo talaabooyin yaryar oo joogto ah oo la qaado maalin kasta. Markaad horumariso naftaada, waxaad noqonaysaa tusaale wanaagsan oo dadka kale dhiirrigelinaya. Xasuuso: dunida wax isbedelaya ma jiraan haddii dadka ku nool dunida aysan dooneyn inay is beddelaan.

Isbedelka dhabta ah waa kii aad adigu bilawdo!

Post a Comment

0 Comments